golis

Dabley hubaysan oo magaalada Laascaanood ku dilay Ganacsade Caan ah.

Magaaladda Lascanod ee Xarunta Gobolka Sool waxaa lagu dilay Ganacsade Maxamed Cabdi Timir ,oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaaladaas, marxuumka waxaa la sheegay in ay toogteen koox hubaysan oo aan la garanay haybtooda.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa markiiba ka baxsaday goobta, wararka hoose ee ay Horseed Media ka helayso deegaanka ayaa sheegaya in dilkaani salka ku hayo aargoosi qabiil.

Dhulka miyiga ah iyo magaalooyin hoos taga gobolka Sool waxaa xilliyo kala duwan ka dhacay sanadkan gudihiisa dilal la xiriira aargoosi qabiil,wallow ay jiraan waxgarad iyo saladiin dhaqan oo xil gaar ah iska saara sidii xal waara looga gaari lahaa soo afmeerida colaadan oo soo noq-noqotay.

Horseed Media.