Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey sanatar Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan xildhibanaada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sid iiran loogu soo dhaweeyey magaalada.
Wafdiga aya ka koobnaa xildhibanada aqals are iyo kuwa aqalka hoose, siyaasiyiin, waxgarad sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo raysal wasaarihii horee ee Soomaaliya cali Maxamad Geedi.
Waxaa wafdiga magaalada ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.
Cali Maxamad Geedi oo ka hadlay soo dhaweynta loo soo sameeyey ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka loogu soo dhaweeyey magaalada.
SanatarMaxamuud mashruuc oo isna ka hdlay goobta aya sheegay in ay ka qeyb galayaan xafladda caleema saarka ee beeldaajaha guud ee beelaha Cali Saleemaan.
Horseed Media 2018