golis

Boqor Buur Madow: “Muuse Biixi waxaan ka filaynaa in xukuumadiisa cusub aanu colaad ku bilaabin”


Carmo:- Boqor Cismaan Maxamamuud (Boqor buur madow)waxaa uu si adag uga hadlay xaaladda Puntland iyo Soomaaliland oo uu sheegay in ay ku howlanyihiin sidii xal loogu heli lahaa coladda kasoo cusbonatay degaanka Tukaraq.

“…Dadka Soomaaliyeed waa walaalo, siyaasiyiinta ayaa xooga ina kala qoqobtee bulsho ahaan isma aynaan qaban, anagu waxaanu Somaliland uga nimi caana-shubka kasakow ergaanu sidnaa, anagu dhaqan ahaan waxaanu culays ku saraynaa Muuse Biixi in laga fogaado wixii colaad inoo keenaya dagaalna uma baahnin walalayaal, Cabdiwelina waa lasoo xiriirnay waxaanu Muuse ka filaynaa  in isagoo cusub inuusan  colaad ku bilabin, xukuumada iyo guud ahaan Somaliland, waxan usoo jeedinaynaa in ciidamada laka qaado. Nabadgelyeynu u bahannay maanta uma baahnin colaad iyo ciidamo is hor fadhiya…”

Boqor Buurmadow waxaa uu hadalkan ka jeediyey Caleema Saarka Beeldaaje Beeldaaje Ismail Beeldaaje Cabdulaahi oo maanta lagu caleema saaray degmadda Carmo ee Gobolka Bari.

Horseed Media