Suxufiiyinta oo u Dabaaldegay Maalinta Caalamiga ee Saxaafada

Published: May 3, 2018

Maanta 03 May, 2018 waxaa caalamka looga dabaaldegayaa xuska maalinta caalamiga ah ee Saxaafada (World Press Freedom Day 2018).

Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Galkacayo iyo Bosaso waxaa lagu qabtay munaasabado lagu xusayay maalintaas Caalamiga ah.Munaasabadan oo uu soo qabanqaabiyeen Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaana maalgaliyay xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM

Hal-ku-dhig sanadkan ee munaasabada ayaa ‘Isu dheelitirka awooda: Warbaahinta, Caddaaladda iyo kala danbaynta Sharci, waxaana lagu casuumay munaasabadaha madaxda Wasaaradaha warfaafinta ee dowladda federaalka, kuwo maamul goboleedyada, guddoomiyayaasha degmooyinka iyo Garsoorayaasha maxkamadaha.

Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka  suxufiyiinta dalka oo ka hawl gala mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan dunida ee shaqaalaha warbaahinta.

“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo naftooda halis ugu jira inay  si joogta ah u qabtaan shaqadooda,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada  si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa  dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.”

Sida laga soo xigtay guddiga fadhigoodu yahay New York ee Ilaalada Saxafiyiinta (CPJ), qofna looma hor keenin caddaalada dilka 26 saxafi muddo toban sano ah, iyo sannadkii saddexaad oo isku xiga oo Soomaaliya la siiyay rikoodhkii ugu xumaa ee dunida ee xalin  la’aanta dilalka suxufiyiinta sida ku cad tusmada dadka dambiyada gala ee ciqaabta ka baxsada ee warbixinta gudida ilaalada saxafiyiinta (CPJ) ee  2017.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *