golis

Cabdiraxman Cirro: Berbera meel fog ayaa laga doonin haddii sidaan lagu jiro -VIDEO

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa habeenkii xalay khudbad uu ka jeediyey magaalada Berbera digniin culus ka direy saldhigga Imaaraadku ka furanayaan magaalada Berbera.

Cirro ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalandoonto saldhigga Imaaraatiga laga siiyey Berbera, Saldhigga ayuu sheegay in dalka caqabad ku yahay saldhiggu, wuxuuna shseegay in saldhiggu noqon karo mid lamid ah Guantanamo ee Cuba , Berbara waxay noqon kartaa jeel kamid ah kuwa dadka lagu ciqaabo ayuu yiri.

Cirro ayaa dadka weydiiyey cid geli kartaa saldhigga in aysan jirin wax lagu bedesheyna aysan jirin.

Anigu hormar kama soo horjeedo ee waxaan ka soo horjeedaa in Berbera la xaraasho ayuu yiri Cirro.

DAAWO KHDUBAD XASAASI AH

Horseed Media