golis

Abwaanad Naciimo Qorane oo Xabsiga laga sii daayey

Waxaa maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayey Abwaanad Naciimo Axmed Ibraahim oo loo yaqaan (Naciimo Qorane), halkaas oo ay ku xirneyd saddex bilood, kadib markii Maxkamad ku xukuntey xabsi saddex sano ah.

Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyey Abwaanad Naciimo Qorane, taas oo sababtey in isla maanta xabsiga laga sii daayo.

Sababta loo xirey Abwanaad Naciimo ayaa ah in ay booqatey magaalada Muqdisho, sidoo kale ay tirisey maansooyin iyo jiifto ka hadley midnimada iyada oo ka cabir qaadanaysa riyo ay aragtey.

Ururada u dooda xuquuqu Insaanka ayaa si wada jir ah u canbaareeyey xariga gabadhan, waxaana ay sheegeen in ay ka hor imaneyso sharciga Somaliland in qof loo xiro hadalkiisa iyo fikirkiisa.

Horseed Media