golis

Deg-deg: Dagaal culus oo mar kale dib uga qarxay deegaano ku dhaw Tukaraq

Subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ayaa dagaal aad u culus dib uga qarxay deegaano hoostaga magaalada Tukaraq ee gobolka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, ma cadda qaabka dagaalku ku bilowdey waxaase si weyn maalmihii dhaweyd loo saadaalinaayey in dagaalku qarxi karo saacad kasta.

Dagaalkan oo la sheegay in uu bilowday 5 aroornimo Ayaan la ogayn khasaraha saxda ah ee ka dhashay,waxaana wararku sheegayaan in dhowr aag uu ka socdo dagaalku, wallow aan wali la isla dhaafin Tulaada Tukaraq oo uu dhinacyadeeda ka socdo.

Dadka degaanka oo aan la xiriiray waxaa ay ii sheegeen in dagaalku culus yahay,iyadoo labada dhinacba ay awood xoogle muujiyeen,dhanka kalana masuul aan la xiriiray oo ka ka cududaartay in aan magaciisa iyo darajadiisa la xusin ayaa ii xaqiijyey in magaaladda Laascaanood xaaladeedu degantahay,iyadoo ciidankii Somaliland ka joogayna aan saaka loogu waaberisan,wallow aan la aqoon halka ay u baxeene.

15 Bishan May ayey ahayd markii ay bilowdeen dagaaladan kawaas oo dhaliyey khasaaro labada ciidan kala gaartey.

8 janaayo 2018 ayaa ciidamada Somaliland ku soo duuleen Tukaraq, waxaana ay qabsadeen Tukaraq iyo deegaano u dhaw, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciidankoodu soconayo ilaa ay ka gaaraan Yoocada, waxaana guuldaraystey dedaalo badan oo la donaayey in dagaalo lagu baajiyo, kadib marki Somaliland diidey i ay ciiidamadeeda dib ugu celiso xeryahoodi.

Faahfaahinta dagaalka gadaal ayaa laga daabacayaa.

Horseed Media