golis

Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee xiisada Tukaraq – Xaqiiq mise Been Qayaxan?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi (MBC) ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay Sabtidii uga hadlay dagaalka ka socda Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland isagoo gebi ahaan dagaalkaasi ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho (Xamar)!

Haddaba maqaalkan waxaan qodob qodob ugu eegaynaa qaar kamid ah hadaladii Muuse Biixi oo qaar kamid ah oo badan xaqiiqda ka fogaa iyo waxa arrintan uga dhigantahay xal u helida xiisadan iyo dagaalka ka socda Tukaraq oo noqonaya kii ugu weynaa ee dhexmara maamulada deriska ah ee Puntland iyo Somaliland.

Nuxurka Khudbada
Khudbadan MBC ayaa ahayd mid lagu soo beegay labo maalin kadib markii dagaalkii labaad ee ugu weynaa uu ka dhacay Tukaraq kaasi oo khasaaro ba’an geystay, khudbadan ayaa inta badan u muuqatay inay ahayd mid uu Muuse ugu talo galay inuu Shacabkiisa (Somaliland)uga dhaadhiciyo inuu yahay duulaan uga yimid dhinaca dowlada Soomaaliya, sidii uu isaga fogeyn lahaa eeda ah in xukuumadiisa curdanka ah ay ahayd midii dagaalkan bilowday 7dii Janaayo ee sanadkan 2018.

Muuse Biixi ayaa hadalkiisa ku bilaabay

“….
Dagaalka ay Soomaliya kusoo qaaday Somaliland waxaa u aragaa dagaal ay wado dowlada Muqdisho ka dhisan,
Puntland iyo Somaliland isma hayaan, wax colaad iyo wax ay isku qabsadaan ma jirto, Waxa weeye siyaasada ka timid Muqdisho,
Si ay dowlada Muqdisho u muujiso inay tahay dowlad ka talisa Somaliland
Si loo muujiyo inay Somaliland ahayn Qaran jira.
Dowlada Somaliland wax colaad ah umma muujin dowlada Xamar
Balse dowlada Xamar ayaa la noqotay in ay awood ciidan ku caburiso Somaliland
…”

Ereyadan Muuse Biixi ayaa ah kuwo si weyn loola yaabay isla markaana ka fog xaqiiqda hadaladan oo iyagu ah kuwo is burinaya.

Yaa dagaalamay?
-Dagaalka wuxuu udhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo Somaliland, mana jiraan ciidamo ka tirsan Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb qaatay, hayeeshee siyaasada xukuumada Muuse Biixi ayaa ah in ay ka dhigto dagaalkan mid u dhaxeeya Federaalka iyo Somaliland si dib loogu furo wadahadalkii joogsaday ee labadaasi dhinac u dhaxeeyey.

Been ka sheegida cidda dagaalantay ayaa iyadu keeni karta caqabad kale oo sii fogeyn kareysa xal u helida xiisadan, maadaama Muuse uu inkiray cidda uu dagaalka kula jiro isagoo eegaya siyaasad kale oo uu doonayo inuu kula gorgortamo Muqdisho!.

Hadaladan ayaa caro horleh ka abuuray Puntland oo aaminsan in Muuse Biixi xukuumadiisa dagaal qaawan kusoo qaaday dhulkooda 7dii Janaayo xili xukuumada Puntland isu diyaarineysa xuska waxqabadka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo xiligaa kasoo wareegtay 4 sano, iyo xafladdii furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Gen, Maxamed Abshir Muuse.

Weerarka ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq 7dii Janaayo ayey xukuumada Muuse Biixi ku beegtay xili uu dhulka Puntland safar ku marayey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo gobaladaasi markii ugu horeysay booqday.

Puntland ayaa xiligaasi ka gaabsatay inay duulaan uga jawaabto, maadaama culeys weyn uu ku saaray Beesha Caalamka dhex dhexaadin ah in ciidamada Somaliland dib looga qaado Tukaraq arrintaasi oo sida la xaqiijiyey ay diiday xukuumada Somaliland ee MBC, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowlada Puntland. Dhanka kale waxaa xusid mudan Puntland kama joogin wax ciidan ah Tukaraq marka laga reebo xoogaa ciidan ah oo joogey qaybta kastamka kuwaas oo ahaa deegaanka Tukaraq, taas oo muujin kartan in Puntland aysan wax colaad haba ku jirin.

Dadka falanqeeya siyaasada Somaliland ayaa aaminsan in dagaalka Muuse Biixi ku qaaday bishii Janaayo Tukaraq ee soo dadajiyey xiisadan ay salka kuheysay shax siyaasadeed oo ay xukuumada Muuse Biixi ku dooneysay inay wax uga bedasho mucaaridka gudaha Soomaliland ka jiray kadib doorashadii muranka badan dhalisay ee uu ku guuleystay Xisbiga Kulmiye.

In ciidamada Somaliland qabsadaan Tukaraq oo ahayd Kastamkii Puntland ayaa waxaa sidoo kale gadaal ka riixayey xubno deegaankaasi kasoo jeeda oo uu hogaaminayo Baashe Maxamed Faraax (Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland) oo isaguna doonayey inuu khal-khal geliyo wadahadalkii Cali Khaliif Galeyr uu doonayey in gobalka Sool iyo Buuhoodle kula gorgortamo xukuumada Hargeysa, taasi oo ay Baashe iyo kooxda uu hogaamiye u arkeen mid khatar ku keenaysa xilalka ay ka hayaan Somaliland.

Kooxdan Baashe hogaamiye ayaa la rumeysan yahay inay ka dhaadhiciyeen Muuse Biixi oo isagu ahaa nin ku hanjabayey inuu qabsan doono Garower xiligii uu doorashada ku jiray, in Madaxweyne Farmaajo oo xiligaasi ku sugnaa Garowe uu booqan doono Tukaraq sidaasna uga hortagaan, arrintaasi oo gadaal ka beenowday balse dhaxalsiisay Somaliland colaad horleh oo ay la galaan maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.

Hadaan usoo noqono khudbadii Muuse Biixi, ayuu wuxuu uga hadlay sababtii ay Tukaraq ku weerareen bishii Janaayo oo ah sababta hada dagaalkan keentay, isagoo ku dooday in awlaba halkaasi ay ciidamadoodo tagi jireen! Hadaladan uu u muuqday inuu Muuse isaga fogeynayo eeda ah inuu isagu dagaalkan bilaabay.

MBC oo u muuqday inuu shacabkiisa ku kicinayo in duulaan ay Soomaaliya kusoo qaaday ayaa yiri Dowlada Xamar waxay diidan tahay Qaranimada Somaliland oo waxay dooneysaa inay ciidamo ku caburiso dhulka Somaliland, hadalkan oo isaguna ah mid aad uga fog xaqiiqda oo lagu tilmaami karo “Been Qayaxan” oo aan ka tarjumeyn waxa yaala Muqdisho, Garowe, Tukaraq iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland MBC ayaa hilmaansan casrigan dunidu marayso in aan majarahabaabin intaas le’eg la sameyn karin, caalamku waxa uu fahamsan yahay qaabka siyaasadeed ee Soomaaliya, awooda Dowladda Federaalka ah iyo halka ay maamusho sababta oo ah iyaga ayaaba gacanta ku haya. MBC waxa uu ciyaarayaa kaarkii Itoobiya ciyaari jirtey 1996-2006 markaas oo ay dafiri jirtey in ciidamadoodu ay ka gudbeen xadka Soomaaliya iyaga oo ka dagaalamaya Gedo iyo Galguduud. In hoggaamiyuhu been cad oo qayaxan shacabkiisa la soo hor istaago waxay ceeb ku tahay maamulkiisa oo dhan.

Maraykanku muxuu u sheegay Puntland iyo Somaliland?

Beenta kale ee loo sheegay shacabka Somaliland ayaa ah in Maraykanku soo kala dhexgalay arrinta ka hor dagaalkii cuslaa ee 24 May ka dhacay Tukaraq, Haddaba Horseed Media oo baaritaan ku samaysey arrintaas ayaa ogaatey in ergo ka socota Maraykanku ay ay la hadleen MBC iyo Gaas, MBC ayey u sheegeen in u ciidankiisa geeyo degmada Oog ee gobolka Togdheer, halka Gaas laga codsadey in uu ciidankiisa geeyo halka ay geedka Yoocadu u sokeyso ama Garoowe, waxaa Maraykanku sheegay in shacabka Sool ay iyagu aayahooda ka tashanayaan markaas, beesha caalamkuna ka caawin karto doonitaankasta oo ay ku xaqiiinayaan aayahooda, arrintaas MBC waa ku gacan sayrey, waxaana uu beddelkeeda doonay in marka hore wadahadlkii dib loo furo oo ay u wada hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Gebagebo

Puntland waxaa Laascaanood laga qabsadey 2007 bishii Oktoobar, waxaana markaas Puntland ay weli bartanka uga jirtey dhismihii Dowladda federaalka oo dagaalo culus uga furnaayeen Muqdisho kuwaas oo loogu yeeray Muqaawamo, ciidankii ugu badnaa ee Puntland ayaan dib u so laaban kadib dagaalkii Maxaakiimta ee ka dhacay Gobolada dhexe, Puntland waa hilmaantey Laascaanood. haddaba dafiraada MBC ee cidda uu dagaalka kula jiro waxay fogeyneysaa in xal nabadeed la helo, sidoo kale majara habaabinta sababta uu ciidanka Tukaraq u geeyey ayaa horseedi karta in dagaalku daba dheeraado taas oo labada maamulba dan aysan ugu jirin.

Lifaaq waxaa ku lifaaqan maqaalkan, muuqaal hore Oo Muuse Biixi ku hanjabey in u Garoowe qabsan doono, haddii ay doorashada somaliland soo faragashtaan 11 Nofeembar 2017.

Garoowe ayaan ku murmi doonaa

Khudbadii danbe ee MBC uu shacabkiisa ugu sheegay in Muqdisho looga soo duulay

Maxamed Cismaan
Horseed Media