golis

Ciidanka Somaliland oo Xabsiga dhigay Wariye Cabdiraxmaan Keyse Tungub.

Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ee ka howlgala Magaaladda Lascanood ayaa xabsiga dhigay Wariye Cabdiraxmaan Keyse Tungub oo ah wakiil wareedka Tvga Bulsha Xafiiskiisa Magaaladaas.

Xariga wariyaha ayaa loo sababeeyey inuu baahiyey warbixin ku saabsan mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka lascanood ee Maamulka Somaliland,iyadoo uu bulshada la dhex qaaday microphoneka oo uu waydiinayey aragtidooda ku adan gacan ku haynta maamulka ee Gobolka Sool,taasoo ay dadweynaha aragtidoodu u badnayd in ay Somaliland ka baxdo gobolka,isla markaana ay soo dhaweynayaan Puntland.

Dhanka kalana waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan saxafiyiin kale oo ciidanka booliisku ka raadinayaan goobaha shaqada & Guryaha ay deganyihiin si loo xiro ,kuwasoo loo anaynayo in ay diyaariyeen wararka la xiriira aragtida dadweynaha ee la xiriirta gacan ku haynta Gobolka Sool  ee Maamulka Somaliland.

Wariyayasha ka howlgala Magaalada lascanood ayaa walaac xogan ka muujiyey xariga wariyayasha ,waxaana ay ku micneyeen  arintanin ay qayb ka tahay caburinta & caga jugleynta uu maamulka Somaliland ku hayo saxafiyiinta.

Halkan ka daawo warbixinta lagu eedeyey Wariye Cabdiraxman Tungub

Horseed Media