golis

Waxgaradka Gobolka Sanaaag oo Baaqyo nabadeed ka soo saaray xiisadaha ka taagan gobolka Sool-Dhegayso

Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Sanaag ayaa waxa ay cambaareeyeen xiisadaha weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyagoona baaq nabadeed u diray hogaanka maamulada Somaliland iyo Puntland.

Caaqil Siciid Yuusuf Hiirad oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Sanaag ayaa la soo xiriiray Horseed Media waxa uuna fariimo nabadeed oo joojinta dagaalka ku saaban u diray dhinacyada Somaliland iyo Puntland kuwaasi oo weli ciidamadooda ay isku hor fadhiyaan aaga deegaanka Tukaraq.

Caaqlika waxa uu khadka taleefanka Bosaso ugu Waramay weriyaheenna Cumar Lakiman.

Horseed Media 2018