Horseed Media

Nabadoonada gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey isbedelka lagu sameeyey gobolka

Nabadoon Maxamed Yacquub Isaaq oo ka mid ah nabadoonada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo wareysi siiyey Horsed Media xafiiskeeda Mugdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay isbedelka lagu sameeyey maamulka gobolka Hiiraan.

Nabadoonka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan ay wax badan ka bedeli doonaan dhibaatooyinkii gobolka ka jiray iyagana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Uga dambeyn waxaa uu baaq u diray shacabka ku nool deegaanada Hir-Shabeelle isagoona uga baaqay inay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida.

Aweys Bashiir Cabdiraxmaan Tima Jilac ayuu u waramay

Horseed Media 2018