Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen halka afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay bar-kantarool oo ciidamada dalka Afqaanistaan ay ku leeyihiin magaalada Jalalabad.
Afhayeenka maamulka gobalka Nangarhar ayaa u sheegay warbaahinta in dadka ku dhintay weerarka ay kamid yihiin labo kamid ciidamada amaanka.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday bar-kantaroolka ay ciidamada dalka Afqaanistaan ku leeyihiin magaalada Jalalabad, waxaasi loo badinayaa weerarkan in ay ka dambeeyaan kooxaha dowlada kasoo horjeeda.
Horseed Media 2018