Horseed Media

Ciidamada dowlada Oo howl-galo kawada deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan-Dhageyso

Taliyaha saldhiga Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan Faarax Aadan Gaafow Oo wareysi siiyey Horsed media ayaa waxaa uu faah faahino ka bixiyey Howlgalo balaaran oo ay ciidamada dowlada iyo Kuwa AMISOM ay ka wadaan daafaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Faarax Aadan Gaafow  Taliyaha saldhiga D/jalalaqsi ayaa waxaa uu sheegay in inta ay socdeen howlgaladaasi lagu soo qab qabtay dhowr iyo toban qof oo lagu tuhmayo inay ka Tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Uga dambeyn Teliyaha ayaa waxaa uu shegay inay ku sii jeedaan deegaanka Buur weyn iyo deegaano kale oo dhanka Galbeed ka xiga D/jalalqsi ee Gobolka hiiraan halkaasi oo ay Gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha oo uu la yeeshay Aweys Timo

Horseed Media 2018