golis

Maxaa Lagu Xusuusan Doonaa Xildibaanada Baarlamaanka Shanaad ee Puntland ee 2014-2018

Golaha wakiilada o u codeynaya in la kala diro hay’adda shaqaalaha rayidka

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa u fadhiya kalfadhigoodi 41aad ee u bilowday 23 bishii June 2018, waana kalfadhigii u danbeeyey ee ay yeeshaan oo lagu soo qaato arrimo muhim ah marka laga reebo kalfadhiga u danbeeya ee xiritaanka ee ay yeeshaan bisha Oktoobar, kadib waxaa la guda galayaa in la soo xulo Xildhibaanadii beddeli lahaa ee baarlamaankii lixaad ee Puntland yeelato.

Maalmahan oo kale sanad ka hor waxa ahayd xiligii xusul duubka loogu jirey cidda kamid noqoneysa Golaha Xukuumadda Puntland kadib markii Baarlamaanku kala direy Wasiiro ku dhaw 60 Wasiir,nasiib darro waxaa isla xiligaas Puntland ka dhacay Musuq-maasuqii u weynaa ee abid ka dhaca Puntland ee uu maamuley Madaxweynaha Puntland kadib malaayin dollar oo lagusoo qaatey Dekadda Boosaaso, waxaa Xildhibaanadu dib u soo celiyeen Golihii Wasiirada oo sidoodi ah oo lagu soo darey keliya shan wasiir oo cusub. Waxay ahayd musuq maasuqii u weynaa ee Puntland ka dhaca muddooyinkan, horey waxaa loo aqoon jirey in Xildhibaanadu ay inta badan musharixiinta ka qaataan lacag ay codka uga bedalanayaan, laakiin marna ma dhicin in Xildhibaanadu golaha wasiirada u ridaan in wax laga siiyo lacagtii lagu soo qaatey danta shacabka taas oo ay ku bedesheen in ay meel mariyaan heshiis aan ilaa hadda la arag waxa uu dhigaayo.

Puntland halka ay ka dhimatey ayaa ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, kuwaas oo aan marna eegin danta dalka, dan shacabka iyo aayatiinka ubadka soo koraya ee ay dhaxalka uga tageen musuq-maasuq, eex, qaraabo-kiil, maamulxumo, haddaba haddii aysan Puntland helin Xildhibaano leh, aragti ku dhisan in ay dunidan yimaadeen iyaga oo qaawan kana tegayaan iyaga oo mara cad lagu duubey, laakiin magaca ay ka tagaan uu yahay dhaxalka keliya ee jiilashooda u haraya, kuwo dalka, diinta iyo danta shacabku ay kala weyn tahay tooda gaarka ah, Puntland halka ay joogto 20 sano kadib  dhismaheedi in ay hoos uga sii dhacdo maahee rajo lagama qabo in ay horay u socoto.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ee hadda jooga weli waxaa u furan in ay iska mayraan foolxumada , musuqa ee dumadoda suran.

Maalmihii u danbeeyey waxaa warbaahinta hasytey Golaha Wakiilada ee Puntland oo la xisaabtamaya Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ee Puntland, kadibna waa ay kala direen markii ay shegeen in hay’addu ku xadugudbtey xeerkii shaqaalaha rayidka kuna fashilantey in ay gudato waajibaadkeeda.

Ma difaacayo hay’adda shaqaalaha rayidka ee la kala direy, waxaase xusid mudan in shaqooyinkii soo baxay ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu safka hore uga jireen in ay wiilal iyo gabdho ay dhaleen ama qaraabo la ahaayeen u geyneen guddomiyaha Guddiga shaqaalaha si uu shaqada u qoro iyaga oo dhinac maraya nidaamkii shaqaaleysinta, taas oo la dhihi karo qayb weyn ayey ka ahayd in ay iska hor yimaadaan guddoomiyaha guddiga shaqaalaha iyo qaar kamid ah Xildhibaanada oo ay u horeeyeen shirguddoonka golaha wakiilada.

Haddaba haddii golaha wakiiladu donayaan in ay dib u saxaan khaladaadkoodi, la xisaabtana yimadaan, waxaa la gudboon in ay Xukumadda sii dhacaysa ku toosiyaan dastuurka, kana dabatagaan musuq-maasuqyada waaweyn ee ay gashey iyo kutumashada dastuurka

BOOBKA HANTIDA QARANKA

Sanadkii 2017 Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo Xukuumadiisu waxay xaraasheen hanti qaran oo ku taaley magalada Gaalkacyo , dhulka la xaraashey ayaa kala ahaa Gurigii Martida iyo Dhulkii Wakaalada WAXOOL dhulkeedi, waxaana laga kala iibiyey laba shirkadood oo gaar loo lee yahay kuwaas oo laga siiyey adduun dhan $300,000, (Saddex Boqol oo Dollarka Maraykanka ah), Shikrakadaha laga iibiyey ayaa lagu sheegay wareegto ka so baxdey xafiiska Madaxweynaha Ref: MW/DPS/ 536/2017, in labadaas shirkadood ay Dowladda Puntland ku lahaayeen lacag dhan $475,000 oo dollarka Maraykanka ah taasna loo siinayo Gurigii Martida iyo Waxool.

Gurigii Martida waxaa lagu iibiyey Lacag dhan $100,000 Dollar, oo lagu shubey akoon ay leedahay shirkaddii dhistey Suuqa Dayax ee kamid ahayd shirkadaha denyta kulahaa Dowladda Puntland sida lagu sheegay warqadda ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha.

Ma ahan arrin xun in suuq weyn oo waxtar u leh magaalada Gaalkacyo lagu bedesho dhul ku yaala goob istratiiji ah xiligan, kaas oo dhici karto in uu dowladda u gooyo qiime ka wanaagsan sida ay hadda u xaraashtey, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah. Xukuumadda Puntland ma u martey waddo sharci ah in ay xaraashto dhulkaas, dastuurka Puntland muxuu ka qabaa iibinta hantid qaranka.

DASTUURKA PUNTLAND

Qodobka 52aad
GADIDDA HANTIDA UMMADDA
1. Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la mariyo habraac sharcigaaafaqsan.
2. Lama iibin karo hanti ummadeed haddii aanay Dawladdu dhinac ka ahayn.
3. Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada.
4. Gadidda hantida dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka xaraashka furan.

Haddaba sida uu qeexayo Dastuurka Puntland hanti kasta oo qiimaheedu ka badan yahay $50,000 oo dollarka Maraykanka ah waxay u baahan tahay oggolaanshaha Golaha Wakiilada ee Puntland, sida ka muuqata hantida loo xaraashey shirkadaha la sheegay in ay Puntland ku leeyihiin deynta waxay gareysaa $300,000.

Xaraashka hantida qaran ee Gaalkacyo ayaa khilaafsan laba qodob ee Dastuuri ah, midka hore waa in ay ka badan tahay konton kun oo dollar, taas oo u baahan in la horgeeyo Baarlamaanka, qodobka labaad ayaa ah in deyn loo baxshey ee aan la marin nidaamka xaraashka  furan iyo tartanka furan.

Haddaba Golaha Wakiilada ee Puntland mala horgeeyey maka doodeen, mase oggolaadeen, Horseed Media oo xiriir la sameysey qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in aan la horkeenin kalfadhigii Baarlamaanka ee sanadkii 2017 waxay sheegeen in la horkeenay dhismihii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Garoowe oo ay ansixiyeen lana mariyey xeerka xaraashka iyo tartanka laakiin aan la horkeenin hantifa dowladda ee gaalkacyo lagu xaraashey, taas oo macnaheedu yahay in Madaxweynaha Puntland iyo xukuumadiisu ay jebiyeen qodobo dastuuri ah.

Golaha Wakiilada ee Puntland waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta xukuumadda Puntland iyo ku dhaqanka sharciga la dejistey, haddaba haddii la xisaabtanku dhab ka yahay, waa in hantida qaranka ee la iibiyey la waafajiyaa dastuurka, waxaa dad badan is weydiinayaan in hantida lagu xaraashey $300,000 ay aysan u dhigmin qimahaas oo ay gaari karto nusmalyuun dollar.

Ugu danbeyntii Golaha Wakiilada oo horey ugu fashilmeen in ay la xisaabtamaan Xukuumadda iyo Madaxweynaha, haddii ay qayb ka noqdeen xaraashka hantida ma guurtada ah iyo heshiisyada aan xalaasha ahayn, muxuu noqonayaa waxa lagu xusuusan doono baarlamaanka shanaad ee Puntland ee wakhtigiisi dhamaadka yahay?.

Afeef. Horseed Media waxay  haystaa dhamaan dukumiintitada lagu iibiyey dhulka Gaalkacyo ee s anadkii 2017 ee Waxool iyo Gurigii martida.

Maxamed Cismaan
Horseed Media