golis

Cabdiweli Cali Gaas: “Marbaan iraahdaa Muuse Biixi ma u duceysaa!” -VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbad u jeediyey jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalka Biljimka, kadib markii uu ka qaybgalay shirkii looga hadlaayey taageerada Soomaaliya ee ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u badneyd xaaladda gobolka Sool iyo weerarka qaawan ee Somaliland ku soo qaadey.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbadiisu ka duwaneyd khudbadihii horey looga bartey, waxaana uu si weyn u kala gurey oo u falanqeeyey beesha Isaaq ee degta Gobolada Waqooyi, isaga oo gaarey in uu ka hadlo arrimaha dhexdooda ah beeshaas iyo khilaafaadka u dhexeeya, inkasta oo khudbadda Madaxweynuhu aysan wadan wax cusub iyo macne weyn ama rajo siyaasadeed, oo ay u badneyd mid laga so minguuriyey fadhi-ku-diriryada Soomaalida, ayaa la dhihi karaa waxaa Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey fashilkiisa siyaasadeed ee difaaca dalka iyo qorshaha hadda uga yaala weerarka qaawan ee Somaliland ku soo qaadey, marka la eego hadaladii uu jeediyey xiligii uu musharaxa ahaa oo uu dib uga jeediyey Brussels 2018.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo la doortey sanadkii 2014 ayaa ka duwanaa musharixiinta kale waxa uu horey u soo noqdey raysalwasaare xukuumadii kumeel-gaarka ahayd 2011-2012, kadib markii uu xilka wareejiyey waxa uu Puntland ku marey safar dheer oo u kuurgalay xaaladda Puntland oo markaas uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole. Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu shir saxaafadeed ku qabtey magalada Gaalkacyo waxaana uu ka warbixiyey waxa shacabku u sheegay iyo talooyin uu soo jeediyey, waxaana kamid ahayd warbixintiisi:

“….Waxay shacabku ii sheegeen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland……”

Dhegayso khudbadii Raysalwasaarihii hore Cabdiweli Cali Gaas Nofeembar 2012

Sida ka muuqata codka Madaxweynaha Puntland uu duubay kadib kormeerkii uu Puntland ku kala bixiyey markii uu xilka raysalwasaaraha wareejiyey iyada oo ay Puntland ka taagneyd khilaafkii ka dhashey ururadii siyaasadeed iyo muddada xilka Madaxweynaha, ayuu dusha uga tuurey Cabdiraxmaan Faroole sababta kala fur-furashada Puntland in ay tahay “Maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland”

Khudbadii lagu doortey Cabdiweli Cali Gaas oo uu Barlamaanka hortiisa ka jeediyey wuxuu ka yiri dhulka ka amqan Puntland:

“….Dhulka maqan waa nabar ku yaala qof walba oo Puntland ku nool, beeli beel kale kama qabsan ee maamul ayaa maamul ka qabsadey, dhulku beel gaar ah kama maqna, faataxo laguma qabsan, faatoxona ku soo laaban maayo, wixii siyaasad looga maarmi waayo siyaasad ayaan ku dayeynaa, wixii xoog u baahdana, waxaa lagama maarmaan ah in Puntland fuliso waajibaadkii loo igmadey ee dastuuriga ahaa, waxaa dadka Sool, Sanaag iyo Cayn lagu hoday, haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantey waajibaadkeedi dastuuriga ahaa ee difaaca dalka yo dadka….”

Mar labaad ayaa Madaxweyne Cabdiweli oo markaas musharax ahaa soo celiyey in Sool lagu hodey magac dowladnimo, waxaana uu dhabarka u saarey Faroole fashilka siyaasadeed.

Haddaba Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas 2013 iyo 2014 waxa uu ogaa xaaladda dhabta ah ee gobolka Sool iyo midnimada Puntland halka ay taagan tahay waxaana uu baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ballan qaad, isaga oo caddeeyey dadka reer Sool in lagu hoday haykal dowladnimo, haddaba shan sano kadib ballan qaadkiisi Somaliland waxay kaabiga ku soo qabatey caasimadda Puntland ee Garoowe iyada oo qorshaheedu yahay in xuduudkii isticmaarku kala sameystey ay gaarayaan.

Habeenkii xalay caawa u ekaan badanaa.

Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa ahayd mid uu dib u soo celiyey giraanta.

Wuxuu horey u yiri faataxo laguma qabsan, faatoxana laguma soo celin karo, laakiin markaan waxa uu u soo qaatey nin uu ku sheegay magiciisa Sh. Bashiir oo culimo isugu yeeray kana codsadey in ay qur’aanka kariimka ah dhalo (Quraarad) ku jebiyaan, habeenkii oo dhan ayey qur’aanka kariimka ah ku wadeen dhaladii yarayd ilaa ay jebin kari waayeen, laakiin Sh. Bashiir ayaa dhaladii ulyar ku dhuftey oo jebiyey, Madaxweynuhu waxa uu arrintaas u soo qaatey in ficil loo baahan yahay, waxaase la is weydiin sababta uu qur’aanka tusaale uga dhigto in aanu waxba qaba karin, horey faataxo ayey ahayd haddana waa ninka Bashiir la dhaho iyo dhaladii qur’aanku jabin waayey, haddii ninka Bashiir la yiraahdo rabbi ku hodey arrintaas, miyaanu Cabdiweli Gaas ogeyn in Allaah yiri qur’aankan haddii aan ku soo jediyo buur (Jabal) waxay la burburi lahayd cabsi allaah, dhalo iska dhaafe, laakiin qof iyo tusaalihiisu waa is leeyihiin.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa isaga oo soo celinaya khudbaddiisi doorashada mar kale yiri:

“…..Magac Somaliland la yiraahdo ayaa magaalada Oog looga soo duuley oo Tukaraq lagu joogaa, dadka reer Sool iyo Cayn waxa isku haleeyeen Dowladnimada Puntland, marka in la is weydiiyo waxa laga helaayo dowladnimo iyo waxay ugu fadhido waa su’aal xaq ah oo maanta taagan……..”

Haddaba su’aasha Madaxweynuhu is weydiiyey yaa mudan in uu ka jawaabo? isaga mise shacabka? shan sano kadib, haddii uu Faataxo iyo qur’aanba ka tegey muxuu xoog ku qabsadey? dhismihii ciidanka Puntland ee uu ballan qaadey xagee dhigay? ogoobeey yuu fashilka keenay in Somaliland Tukaraq qabsato maanta dusha u saareyaa?.

“….Ninka reer Puntland waxa uu keenay naftiisi, waxa uu la yimid qorigiisi, rasaastiisi anagu aanan u gadin, intaas keliya maahee wuxuu wataa arigiisi iyo geeliisi , dadka difaacaya Puntland waa kuwii aan Puntland wax nafci ah ku haysan kuwaas oo maanta u soo baxay in ay Puntland difaacaan…..” Cabdiweli Cali Gaas 19.07.2018 Brussels Tani waxay caddeyn u tahay fashilka siyaasadeed ee Dr. Cabdiweli luqunta u suran laakin u haysto in uu xamaasad uga dhigo shacabka ka soo qaybgalay xafladdii lagu soo dhaweeyey.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil u jeediyey jaaliyaddaha Puntland ee qurabaha, waxaana uu ka dalbadey dhaqaale in ay bixiyaan haddii kale aysan waxba weydiin karin.

“….. Haddii aan idin niraahdo war orda oo naga taga oo idin dhegaysan mayno, miyaanan xaq u lahayn, maadaama aydinaan wax dhaqaale ah na siin, shilin managu sheegan kartaan?, ma naqaano in aad reerihiina u dirteen? marka waxaa la rabaa adeerayaal dalku iska xoroobi maayo, dhaqaale ayey u baahan tahay, anaguna dhaqaale ma hayno…..”.

Hanjabaada Madaxweynhu u jeediyey jaaliyadaha ka qayb-galay shirka ayaa la is weydiinayaa in ay istaahilaan iyo in kale, maadaama abaabulka difaaca Puntland ay la wareegeen shacabkii iyo beelihii taas oo Madaxweynuhu qiray in aysan waxba siin oo taageerin ninka reer miyiga ah oo wata qorigiisi iyo rasaastiisi, haddaba miyaan la dhihi karin jaaliyaduhu waxay ka aamin baxeen Xukumadda Puntland ee maamushey Musuq-maasuqii u weynaa ee abid Puntland ka dhaca, horey uma dhicin in Puntland la siiyo $15milyan oo dollar oo wada socota oo ka timid shirkadda lagu wareejiyey Dekadda Boosaaso taas oo inta laga ogyahay ay tahay $3.5Milyan dollar oo keliya oo gashey Garoonka Gen. Maxamed Abshir iyo Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, lacagtaas oo aan lagu soo darin xisaab xirkii sanadkii 2017, isla markaana lagu shubey bangiyo gaar loo lee yahay.

Khudbada Madaxweynaha iyo dhaliisha uu u jeediyey qurbajoogta ee in aysan ka qayb-qaadaan difaaca iyo xoreynta gobolka Sool ayaa u muuqata waxa loo yaqaan “The Shakedown” ee ay ku dhaqmaan Maafiyad oo ah “Bixi lacagta haddii kale……”

Shacabka Puntland waxay u dulqaateen in muddo 11 bilood ah aan Puntland wax Mushahar ah laga bixin, waxay indhaha ka qarsadeen dhaqaalihii lagu bixiyey heshiiska dekadda Boosaaso in aan lagu bixin wixii shirkadda heshiiska lala galay ugu talo gashey ee ay ku dhacdey jeebab gaar ah, Shacabku way isku tashadeen in ay difaacaan sharaftooda, jiritaankooda, shacabku ma qaadan karo Gaas oo ku fashilmey hoggaamintii Puntland, difaaceedi iyo dhismihi cidanka in uu sheegto guushooda, waxaana la is weydiin gabadhii gaarida ahayd ee qurxooneyd guurkii u danbeeyey waxay ka dheeftey.

Hussein Farah
Horseed Media