Horseed Media

Duqeyn ka dhacday deegaanka Qalimow iyo faahfaahino kasoo baxaya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaaya duqeyn xalay fiidkii diyaaradaha aan duuliyaha la hayn ay ka fulisay deegaan qiyaastii 30 km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Deegaanka Qalimow oo ah halka duqeynta ay sida rasmiga uga dhacday ayaa dadka kunooli ay soo sheegayaan in xalay fiidkii mar qura maqleen guuxa diyaaradaha duqeynta fulinayay.waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.

Warbaahinta dowlada ayaa baahiyay saaka in duqeynta xalay ka dhacda ay ku dhinteen dagaalamayaal badan oo katirsan Alshabaab kuwaasoo sida warbaahinta dowlada ay sheegtay saarnaa Gawaarida duqeynta lala beegsaday.

Wax faahfaahin oo intaasi ka badan lagama helin duqeynta ka dhacday deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeelaha dhexe ka tirsan balse horey sidan oo kale diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo kala duwan ka geystay deegaano kamid ah gobolkan shabeelada dhexe oo kamid gobolada ay ku xoogan yihiin dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

Horseed Media 2018