Gogoshii Qardho ee Nabadaynta oo la soo afmeeray

Published: August 1, 2018

Waxaa maanta si rasmiya losoo gabagabeeyay gogoshii lagu nabadeynayay beelaha walaalaha ah ee muuse saleebaan iyo cali saleebaan taas oo gogosheeda uu fidiyay boqor burhaan boqor Muuse, Boqor burhaan Boqor Muuse ayaa soo xiray shirka, ugu danbayna waxaa laga soo saaray qodoba ka kooban 10 qodob kuwaas oo intooda badan ku qotomay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii dhex maray beelaha oo si rasmiya losoo gunaanaday, qodobada ugu muhiimsan ayaa ahaa in dhamaan wixii dhib dhacday lagu kala qaato mag.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Suldaan maxamed suldaan muuse oo ah hogaanka dhaqanka ee beelaha Muuse saleebaan iyo Cali Saleebaan oo gabagabadii shirka ka hadlay waxay qireen in waxa kulanka kasoo baxay uu yahay wax wanaagsan sidoo kale waxay tilmaamen in diyaar ay u yihiin ku dhaqanka iyo fulinta qodobada ay ku heshiiyeen.

Boqor Burhaan Boqor muuse waxa uu u duceeyay dhamaan dadkii ka qaybqaatay hirgelinta gogoshaan sidoo kale waxa uu sheegay in wixii loo dhabar adaygay ay miro wanaagsan kasoo baxeen, beelaha walaalaha ah waxa uu ka codsaday in goaamadaan sida ay tahay ay u fuliyaan, ilahayna uga baqaan.

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *