Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Buuhoodle-DHEGAYSO

Published: August 1, 2018

Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaasi oo intiisa badan laga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay magaalada salaadii maqrib kadib, iyadoo lala begsaday gaari ay la socdeen siyaasiyiin.

Sida wararka nagu soo gaarayaan ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhintee seddex qof qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 qof

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee maamulka la magac baxay Khaatumo Axmad Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali (Rodman) oo ahaa la taliyihii hore ee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke .

Qaraxa kadib waxaa magaalada soo gaaray ciidamada ammaanka, waxaa hakad galay isu socodkii dadka, ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka.

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegayaa in uu ahaa nooca ay Soomaalida u taqaan Nooha, iyadoona qaraxa sida wararka aan ku helnay ay sheegayaan in uu fuliyey qof naftiis hurre ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *