Ra`iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Published: August 1, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe, ka dib booqashadii uu ku tegey Magaalada Qardho.

Mudane Xasan Cali kheyre oo safar dhulka ah ku marayay degaanada uu booqday ayaa waxa uu soo maray Tuulooyin badan oo ku yaalla hareeraha wadada isku xirta Garoowe iyo Qardho, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Shacab fara badan iyo wax garadka degaanadaasi, isagoo si furan ula sheekeystay dad weynaha ku noolaa Tuulooyinkii uu soo maray.

Shacabkii uu Ra’iisul wasaaruhu kula kulmay Tuulooyinkii uu soo maray ayaa waxay u sheegeen in ay si weyn ugu oomman yihiin Dowladnimo, qaddarin iyo Jacayl weyna ay u hayaan xukuumaddooda.

Ra`iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa oo Xalay fiidkii kasoo amba baxay Magaalada Qardho ayaa u hoyday Garoowe, halkaasi ooo lagu wado inay kaga qayb galaan Maanta xuska 20 guuradii kasoo wareegatay asaaskii maamul Goboleedka Puntland oo ku beegnaa 1-da Augost 1998-dii.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *