Raisalwasaare Kheyre oo Shahaadooyin gudoonsiiyey 164 arday oo kaqalin Jabiyey Jamacadda PSU (SAWIRRO).

Published: August 1, 2018

Garowe (HM):- Raisal-wasaaraha Dowladda Faderalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kaqaybgalay munasabad ay ku qalin jabiyeen Jamacadda PSU ee Magaaladda Garoowe.

Munasabadda oo ay kazoo qaybgaleen masuuliyiinta dowladda faderalka soomaaliya,madaxweyne kuxigeenka,wasiiro iyo xildhibaanada Puntland,Culimadda,Saladiinta dhaqanka,Haweenka,Maamulka,Macalimiinta & Ardayda,waalidiin & marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hoolka Jamacadda PSU.

Gudoomiyaha Jamacadda PSU Maxamuud Xaamid Maxamed ayaa uGu horeyn ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashadda Puntland intii kadanbaysay dowladii dhaxe ee soomaaliya,waxaa uu gudoomiyuhu sharaxay ahmiyadda waxbarashadda ,iyadoo uu ku dheeraday sidii ay jamacadani u bilabatay & halka ay marayso.

Wasiirka waxbarashadda Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa u hanbalyey 164 arday ee manta qalin jabiyey ee qaatay shahaadooyinka darajada Bechlor degreega& darajada labaad ee Master Degree,waxaana uu ku booriyey in ay sii laba jibaran culuumta ay barteeen.

Raisal wasaaraha Dowladda Faderalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ardayda shahadooyinka gudoonsiiyey ayaa u hanbalyey Maamulka,barayasha,waalidiin & Ardayda qalin jabisay,waxaana uu ku dhiirigeliyey hanaanka harumarineed ee ay ka gareen tacliinta bulshada Puntland.

“Maanta waa maalin qaali ah,waa maalin weyn oo qiime gaar ah idiin leh,waan idiin hanbalyeynayaa idinka iyo waalidiintiinba”.

Raisalwasaare kheyre waxaa uu xusay sida waxbarashadda Soomaaliya u gaamurtay mudada dheer ee uu dowlad la,aanta kusoo jiray dalku,si calamka intiisa kale loola tartamana ay u bahantahay in gacan mugle laga gaystaa horumarinta waxbarashada ubadka soomaaliyeed.

Ardayda manta qalin jabisay oo dhan 164 ayaa dhamaystay kulliyadaha kala duwan ee ay jamacadu bixiso.

Horseed Media.net

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *