Xukuumadda Cabdiweli Gaas oo hoos u dhigtey maqaamkii maalinta Puntland-FAALLO

Published: August 1, 2018

Maanta oo kale 20 sano ka hor waa markii la saasey maamulkii u horeeyey ee federaal ah oo ay ku mideysan yihiin shan gobol iyo degmada Buuhoodle, warka laga reebo Bariga Mudug. Sanadkasta tan iyom 1999 waxaa Puntland laga xusaayey maalinta Puntland ee 01-da Agoosto marka laga reebo 2001-2002 oo Puntland xiisado colaadeed ka aloosnaayeen.

01-da Agoosto ayaa ah maalin dastuuri ah oo fasax ah, sida maalmaha kale ee ciidaha.

01-da Agoosto waxay u taagan tahay mid kamid ah calaamadaha ugu weyn ee maamulka Puntland, unkidda maamulkii u horeeyey ee federaal ah yo baadi goobkii dowlad Soomaaliyeed oo lawada leeyahay.

Sida taariikhda lagu hayo 01-da Agoosto waa maalintii u horeysay ee la dhaariyey Baarlamaan Puntland yeelato isla markaana ay yeesheen fadhigoodu u horeeyey iyada oo horey ergooyinku u soo doorteen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo ku-xigeenkiisi Maxamed Cabdi Xaashi.

Maamulada soo marey Puntland ayaa si weyn ugu kala duwan xuska maanta oo kale, waxaana xuskii ugu weynaa loo sameeyey sanadkii 1999 oo u ekaa mid milteri iyo sanadkii 2009.

Marka laga hadlaayo 20 guuro waxaa lagu xusaa si ka weyn sidii hore maadaama ay tahay muddo ku filan jiritaan, qaar gaarnimo iyo horumar.

Xusid la’aanta sanakdan ee 01-da Agoosto

Guud ahaan maamulka Puntland ayaan laga dareemin 01-da Agoosto ee ku beegan 20 guuradii Puntland. Marka laga hadlaayo xuska waxaa ku bixi jirey dhaqaale badan kaas oo siyaabo kala duwan loo lunsan jirey, Puntland waxaa ka jira dhaqaale xumo aad u ba’an taas oo sababtey in Dowladdu bixin weydo 2018 oo dhan wax mushahar ah, waxaana dad badan ku doodaan in aan loo baahneyn xus lagu burburiyo dhaqaale si kale looga faa’ideysan karo, waxaa la is weydiinayaa sababta u diidey madaxweynaha in uu xitaa soo saaro baaq tahniyad iyo hambalyo ah haddii uu ka gaabsadey xusbkii uu maalmaha u diyaar garoobayey sababo maalmahan dhashey awgeed.

Booqashada Kheyre

Waxaa jira wraar ilaa maanta ka soo baxayey qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo sheegay in Raysalwasaare Kheyre dartiis loo baajiyey xafladdii 20 guurada ee Puntland ee raysalwasaaruhu u yimid in ay ka qayb-qaataan, maadaama uu ka baaqsadey in uu ka qaybqaato dhagax dhigga Dekadda la sheegay in laga dhisaayo Garacad oo lagu marti-qaadey.

Haddaba waxaa is weydiin mudan 01-da Agoosto miyaaney ahayn maalin dastuuri ah maxaa isku xirey xuska 01-da Agoosto iyo Raysalwasaare Kheyre.

10 bilood ee la soo dhaafey ayey u ahayd xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwii ugu xumeyd ee soo mara, bishii Dismeembar 2017 waxaa baaqdey bandhig uu Madaxweynuhu ku sheegi jirey isla xisaabtan oo qalin iyo waraaq la hor fariisan jirey isla xukuumadiisa kuwaas oo soo bandhigi jirey wixii u qabsoomay sanadkaas, bandhiggan ayaa u ahayd Madaxweynaha waxybaaha ugu waaweyn ee uu ku faani jirey, inkasta oo xukuumaddu ay ahayd cid ka madaxbanaan sida Baarlamaanku in ay la xisaabtamaan.

Sideeda janaayo 2018 oo ahayd maalin kale oo aan dastuuri ahayn laakiin Madaxweynuhu xusi jirey maalintii loo doortey xafiiska ayaa sanadkan baaqatey kadib markii Somalilaan ay caasimadda Puntland kaabiga ku soo qabteen duulaana kula wareegeen Tukaraq.

Bishii May 14 iyo 24 keedi waxaa Tukaraq ka dhacay dagaalo culus kuwaas oo sababey dhimasho iyo maxaabiis la kala qabsado, laakiin aan Puntland u horseedin guul ay Somaliland uga saarto gobolka Sool.

Ugu danbeyntii baaqashada xuska 01-da Agoosto 2018 ee labaatansano guuradii Puntland ayaa noqoneysa markii u horeysey iyada oo wax xiisad ah ama siyaasad iska soo horjeeda aysan Puntland ka jirin, iyada oo weliba uu Garoowe ku sugan yahay Raysalwasaarihii Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *