Maxay Wasaarada Maaliyada ku doorbiday in loo tartamayo xilka gudoomiyaha bankiga dhexe

Published: August 3, 2018

Markii ugu horeysay ayaa wasaarada maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo kamid ah hay’adaha maaliyadeed ee ugu waa weyn dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku dhawaaqida xilkan shalay Muqdisho kaga sheegay ayaa tilmaamay in xilka gudoomiyaha bankiga dhexe in loo tartamo ay muhiim u tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee bartay sharciga dhaqaalaha iyo maamulida bankiyada.

“Xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka xil weyn weeye, waa qalbigii waddanka cidii soo heyn jirtay meel fiican bay soo gaarsiisay hada waxa la damcay in la xayaysiiyo oo la doono dad u qalma cidey doonto hanoqotee oo dalka nagala saari kara rakada maanta uu ku jiro sidaas ayaana la goostay”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shuruudaha laga doonayo u tartamayaasha xilka Guddoomiyaha Bankiga dhexe ay ka mid tahay in uu heysto shahaado jaamacadeed oo la xiriirrta dhaqaalaha iyo xisaabaadka isla markaana uu leeyahay khibrad shaqo oo 12 sano-ah, kana soo shaqeeyay Bangiyadda ama hey`adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha.

Hadii wasaarada Maaliyada xukuumada federaalka dalka ay ku guuleysato in ay si daahfurnaan iyo cadaalad u qabato tartanka xilka gudoomiyaha bankiga dhexe ee dalka waxaa la oran karaa waxa y ku dayasho u noqonaysaa wasaaradha kale ee xukuumada Soomaaliya kuwaasoo iska magacaaba shakhsiyaadka ay doonayaan in ay xil u dhiibtaan.

Wasaarada Maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya oo kamid ah wasaaradaha laf dhabarta u ah xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amaanaa in ay wax badan ka qabatay arimaha dhaqaalaha dalka xili haatan ay weliba sheegayso in si daahfurnaan ah loogu tartamayo xilka gudoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka taasoo noqon karta mid sii xoojisa kalsoonida shacabka ay ku qabaan wasaaradan.

Horseed Media 208

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *