Khayre oo xalay Garowe uga Qayb Galay Xuska 20-sano Guurada Aasaaska Puntland-Sawirro

Published: August 4, 2018

Ra`iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay munaasabadda xuska 20-sano guurada Puntland ee Garowe lagu qabtay ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

Ra`iisu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey`ado dawladeed oo dhismay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hogaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

Ra`iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan.

Ra`iisul Wasaare Khaye ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago Soomaalinimada, si loo helana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada, dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh, in dhalinyasrada lagu jiheeyo wax soo saarka, Caruurta waxbarasho lagula dadaalo, dhalinyarada loo diyaariyo hogaamiyayaasha mustaqbalka iyo in la horumariyo caafimaadka dalka si wada lahaanshaha dalka loo xoojiyo.

Ra`iisul Wasaare Khayre ayaa u ballan qaaday Puntiland in dawladda federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha naba-diidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *