Madaxweynaha Maamulka hirshabeele oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Published: August 4, 2018

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamul goboleedka soomaaliyeed ee Hirshabeele waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosantay dawladaha jabuuti iyo soomaaliya, taasi oo timi ka dib markii madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya maxamed cabdilaahi farmaajo uu booqasho ku tagay dalka Eratheria.

“Xiisada ka dhalatay is bedelka ka socda Geeska Afrika, aad ayay noo taabatay, waxaa la damqanay oo aan la xumaanay calool xumada iyo niyad jabka galay walaalaheena reer Jabuuti, runtii Jabuuti taariikh ayay ku leedahay Soomaaliya iyo maamulkaan Hirshabeelle, waa dad deris nala ah walaalo isku dhiig aan nahay, sideedaba abaalka in la gudo waayo, sida ayaga abaalka aan u galnay halgalnkii xornimada doonka u gudeen ayaa la rabaa inaan u gudno, sida la socotaan tirada ciidamada qalabka sida Jabuuti ay yihiin oo ay inta Ciidamo noo soo direen waa la qiyaasi karaa, howl galkaas walaaltinimo iyo dhiigga ay noo daadiyeen, iyo sama falka ay ka qeyb galaan fatahaadii Beledweyn ka dhacday iyo sida dadka u soo badbaadiyeen, intaba waa wax aad muhiim ah in la ogaado”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo waraysi siinayay idaacada VOA.

Waare ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee ka tirsan madaxda maamul goboleedyada oo ka hadla xiisada siyaasadeed ee soo kala dhex gashay dawladaha jabuuti iyo soomaaliya oo xirir qoto dheer oo ka dhaxeeyo.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *