Dadweynaha ku dhaqan Bosaso oo ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Jigjiga-Dhegayso

Published: August 5, 2018

Qaar kamid ah Dadka kunool magaalada Boosaaso ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen rabashadaha iyo xiisada kasoo cusboonaatay magaalda Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dadkan oo la hadlay idaacada Horseed Media ayaa Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxayna ku baaqeen in wax laga qabto rabshadaha kusii baahaya magaaladaasi oo hoy u ahayd nabada sida ay sheegeen.

Hase yeeshee dadka qaar oo noo waramay ayaa sheegaya in xaalada jahwareerka ee laga soo sheegayo magaalada Jigijiga ay masuuliyadeeda leedahay dowlada dhexe ee Ethiopia oo ay tilmaameen in ay ciidamo badan oo militari ah ku daad gureysay magaaladaasi.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarumihii ugu waa weynaa magaalada Jigjiga falkaas oo sababay in ay rabshado dhigaan qaar kamid ah dadka kunool magaaladaasi .

Hoos ka dhageyso warbixinta dadka Bosaso ay uga hadleen rabshadaha jigjiga

Warbixintan waxaa diyaariyay Cabdicasiis Daacad

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *