Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: August 5, 2018

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay, kaasi oo laga maqlayey xoogiisa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, isla markaana ka dhacay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan meel ku dhow isgoyska shaqaalaha iyo shaneemadii hore ee Soomaaliya

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo waxaa ku geeriyooday laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 9 qof sida uu goobjooge u sheegeen warbaahinta gudaha

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baar ay dadka ku cunteeyaan, kaasi oo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo daad guranaya dadka ay waxyeelado ka soo gaartay qaraxa

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocaan o kale ah ka fuliya magaalada Muqdisho.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *