Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay wasiiro cusub

Published: August 5, 2018

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay wasiiro cusub oo kamid noqonaya xukuumada Soomaaaliya.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu magacaabay wasiirada wasaaradaha waxbarashada,awqaafta iyo arimaha diinta,xanaanada xoolaha, kaluumaysiga iyo kheyraadka bada,shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiir dowlaha madaxtooyada.

Hadaba hoos ka akhriso wasiirada la magacaabay:

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare waxaa aloo magacaabay Cabdulaahi Goodax Barre

Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta waxaa loo magacaabay Sheekh Nuur Maxamed Xasan

Wasaarada xanaanada xoolaha waxaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen

Wasaarada Kalluumeysiga iyo kheyraadka bada waxaa loo magacaabay Cabdulaahi Bidhaan Warsame

Wasiir dowlaha madaxtooyada waxaa loo magacaabay Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi

Wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha waxaa loo magacaabay Shawaqar Ibraahim Cabdalla

Wareegtada lagu magacaabay wasiiradan cusubayaa sidoo kale waxaa lagu faray in ay sida ugu dhakhisyaha badan ula wareegaan xafiisyada wasaaradaha ee loo magacaabay.

Shakhsiyaadka cusub ee la magacaabay waxaa kasoo muuqday siyaasiyiin caan ah kuwaasoo markii hore aad uga agdhawaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha inkastoo badi wasiiradan ay hayeen wasaaradaha qaar ee xukuumada Ra’iisul wasaaraha oo shaandheyn un lagu sameeyay hadana waxaa muuqata wasaaradaha qaar in loo dhiibay shakhsiyaad horey ugasoo mid noqday dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *