Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo u amba baxay magaalada Khartoum ee dalka Sudan

Published: August 5, 2018

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Ujeedka socdaalka raiiusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Khaartuum ee Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu kulamo la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee kuyaala dalka Sudan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *