Dowlada Turkiga oo Soomaaliya ka caawinaysa dhoofinta dalagyada kasoo baxa dalka

Published: August 6, 2018

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Mas`uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Olgan Bekar.

Wasiir Maareeye ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Labada dal, sidii suuqyada Turkey loogu furi lahaa wax-soo-saarka Soomaaliya sida Kalluunka, Mooska, Liin dhannaanta, Sisimta, oo hore heshiis looga gaaray hadana la doonayo sidii loo bilaabi lahaa shaqada arinta PGM iyo arimo kale.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay magaalada Ankara ugu gaaray Heshiis Ganacsi iyo Dhaqan,kaasi oo xoogga saaraya sidii Turkiga wax kaga iibsan lahaa Soomaaliya sida Mooska,Liinta la qalajiyey,sisimta iyo Kalluunka.

Waxaa kaloo heshiiskaasi dhiniciisa dhaqan ka faa`ideysanaya Fannaaniinta,Ardayda Jaamacadaha iyo Wariyeyaasha,iyadoo xarumo qaabilsan dhaqanka laga kala furi doono Soomaaliya iyo Turkiga.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *