Muxuu ku qotomay shirkii maanta ka dhacay Bosaso ee lagu gorfeeyay xaalada ajaaniibta-Dhegayso

Published: August 7, 2018

Rabshadihii iyo qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhabe ayaa saameyn ku yeeshay nolosha dadka ajaaniibta ee kasoo jeeda dalka Ethiopia ee ku nool magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Muuqaal maalmihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada isla markaana lagu waxyeeleynayay nin kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo dhalinyaro careysani ay ku dilayeeen bartamaha maagalada ayaa sababay in ay shir deg deg ah ka yeeshaan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadka Ajaaniibta ee kunool Boosaaso.

Shirkan oo lagu lafa guray sidii amaan buuxa ay u heli lahaayeen dadka ajaaniibta ah ee ku nool Bosaaso gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyahadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ayaa ugu dambeyntii lays gartay in laga wada shaqeeyo sidii nabadgelyo buuxda ay u heli lahaayeen dadka ku abtirsada qowmiyadaha Ethiopia kuna nool magaalo xeebeedka Boosaaso.

Masuuliyiinta dowlada Hoose ee Bosaso ayaa sheegay in ay kafaalo qaadayaan baxnaaninta iyo daweynta dhibanihii dhawaan dhaawac loogu geystay magaalada Bosaaso ee kasoo jeeday qowmiyada Oromada.

Hoos ka dhageyso codadka masuulyiinta shirka ka hadlay

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *