Dowladda oo markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka u dhexeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada.

Published: August 8, 2018

Warsaxaafadeed ku qornaa luuqada carabiga ayna soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay looga hadlay khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Canada.

Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa goor sii horeysay waxa uu dowlada Canada ku eedeeyey in ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee dalkiisa taasoo sababtay in xukuumadda Riyaad ay erido safiirkii Canada u fadhiyay Sucuudiga.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada arimaha dibada ayaa lagu sheegay in Dowladda ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda`a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go`aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu sheegay in dowlada ay rajeyneyso in xukuumadaha Riyadh iyo Ottawa ay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo saldhigna uu u noqdo kalsooni iyo xushmad is dhaafsi labada dhinac ah.

Halkaan ka Dhegayso

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *