Muqdisho: qaraxyo Lala Beegsaday Kolonyo Ciidamo AMISOM ah

Published: August 8, 2018

Qaraxyo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan agagaarka SOS ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo gaaraya ilaa Seddex Qarax ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo watay gaadiid dagaal.

Qaraxyadda ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado kala dambeeyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa koowaad uu qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan oo aan wajhad lahayn .

Qaraxyada kale ayaa dhacay daqiiqado ka dib waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Qaraxu markuu dhacay ka gadaala ayaa ciidamada AMISOM waxay fureen rasaas taas oo ay dad shacab ah khasaaro kasoo gaaray dadkaas oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Khasaaraha soo gaaray AMISOM ayaa la sheegay inuu gaarayo Afar dhaawac ah kuwaasi oo xiliga ay kasoo dageen gaadiidka lala eegtay Qaraxyada kale, halka Seddex kale oo shacaba ay ku dhawacmeen Qaraxa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku nafwaayen Qaraxyada oo ahaa kuwo qorsheysnaa.

Geesta kale, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo garabsiinayey Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay.

 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *