Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa ka qaybgalay Munaasabad Xilka Kula wareegayey Wasiirka Waxbarashada “Sawiro”

Published: August 8, 2018

Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in haddii la horumariyo hannaanka waxbarashada dalka ay yaraanayaan ficillada xag-jirnimada ku salaysan ee kooxaha argagaxisadu ay ummadda ku dhibaateeyaan, taa bedelkeedana la gaarayo horumar ummadeed oo dhan waliba ah.

Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa sheegay in Ra`iisul Wasaare Khayre oo ka jawaabaya muhiimadda ay leedahay wasaaradda waxbarashada oo ah Laf-dhabarta nololasha iyo horumarinta dadka iyo dalka uu u magacaabay wasaaradda wasiir Xog-ogaal ah, rug-caddaa ah wax badanna kusoo kordhin kara horumarinta waxbarashada dalka.

“Wasaaradda Waxbarashadu waa Laf-dhabartii dalka. jawaha weerka, faqriga iyo amaan darrada waxaa sabab u ah jahliga. Maskaxda iyo fikirka hadii la dhiso, caruurta nagama gelayo fikirka xagjirnimada ah, waxaa yaraanaya dhibaata iyo ficillada xag-jirnimada ah oo argagaxisadu ay ku qaldeyso dhalinyaradeenna”, ayuu yiri Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya.

 

Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in horumarka guud ee dal waliba ay ku xirantahay sida uu waxbarashada ugu dadaalo, dawladda Soomaaliyana ay muhiimad wayn siinayso waxbarashada taa oo ka tarjumeysa in loo jehaystay dhanka horumarka iyo soo kabashada dalka si loola fal galo aduunayada cilmiga ku tartamaysa.

Dhanka Kale, Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qayb galay munaasabad kale oo xilka uu kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda, xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Kaluunku uu kamid yahay Khayraadka dalkeenna, hadii la horumariyo kaluumeysiga dalkana ay abuurmayaan shaqooyin badan, dhaqaalaha dalkuna uu kobcayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *