Ambassador Cawad oo ka hadalay sababta ay Xukuumadu ku taageertay Boqortooyada Sucuudiga.

Published: August 9, 2018

 

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, isla markaana ay ka soo horjeedo in fara gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha Boqortooyada Sucuudiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababtii ay ku taageertay Boqortooyada Sacuudiga, waxaana u hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad.

Wuxuu sheegay Wasiir Cawad oo wareysi siinayay BBC-da inay Sacuudiga ku taageereen inaan arrimahooda gudaha aanan la fara gelin, si la mid ah sida ay arrimahooda gudaha ugu taageeri lahaayeen dalka Canada hadii faragelin lagula kaco.

“Waa run waanu ku taageernay Boqortooyada Sacuudiga inaan la fara gelin arrimahooda gudaha, si la mid ah sida aan arrimahooda gudaha ugu taageeri laheyn dalka Canada hadii la fara geliyo, marka mowqifka dowladda waa kaas, Sacuudiga waa dal aan walaalo nahay, marka ceeb ma ahan inaan go`aankooda ku taageerno, sidoo kale Canada waa dal aan saaxiibo nahay “. Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka aarimaha dibadda Axmned Ciise Cawad oo warqada taageerada ay ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxa ay heystaan dhalashada dalka Canada.

 

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *