Maraykanka oo soo dhoweeyay go`aankii uu Joseph Kabilla ka gaaray doorashada Koongada Dimoqraaddiga ah

Published: August 9, 2018

 

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay go`aankii uu Madaxweyne Joseph Kabila ka qaatay doorashooyinka Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah, markii uu ku dhowaaqay inuusan dib isu soo sharraxi doonin doorashaduna ku dhacayso xiligii loo qoondeeyey inay ku dhacdo.

Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhida Magaalada Magaalada Kinshasa ee Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah ayaa sheegtay inay aad ula dhacsan yihiin tallaabbadan oo ay ku tilmaantay mid horumar leh, laakiin waxay shaki ka muujisay iney jirto hubanti la`aan ku aaddan inuu tanaasulay kapila.

“Waxaan soo dhaweyneynaa wararka sheegaya in Madaxweyne Kabila uusan isa soo sharraxi doonin mar Saddexaad, sida uu dhigayo Dastuurka Dalka,” ayay tiri Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhidaa Kinshasa , Nikki Haley.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha , Emmanuel Ramazani Shadary , ayaa la sheegay inuu u sharraxan yahay tartanka doorashada 23-ka December ee Sanadkan, waxay shaki badan ku abuurtay Dadka la socod xaaladda siyaasadeed ee Dalkaasi.

Ambasador; Haley, ayaa intaa ku dartay in Guddiga doorashooyinka Qaranka looga baahan yahay inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay xaqiijiyaan inay codkooda si xor iyo xalaal ah u dhiibtaan Dadka reer Koongo, marka la gaaro 23-ka December, 2018-ka.

Madaxweyne Joseph Kabila, oo xilka kala wareegay Aabihii , Laurant Kabila Sanaddii 2001-dii , ayaa Laba jeer oo hore loo doortay inuu hoggaamiyo Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah, taasoo ay ka dhalatay caro iyo mucaaradad badan dalkuna mudo ku jiray jahwareer siyaasadeed.

Hadalka kasoo yeeray Mr Joseph Kabila ayaa nayaayiro u ah dadka dalkaasi ku dhaqan oo mudo buuq siyaasadeed iyo mucaarado xoog badan ku dhexjiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *