Mashaariic Hormarineed oo laga hir geliyay Degmada Iskushuban-Dhegayso

Published: August 9, 2018

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Iskushuban Axmed Jaamac Aadan oo lasoo xariiray Horseed Media ayaa ka waramay xaaladda guud ee dagmada,

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegey in degmada Iskushuban ay soo gaareen mas’uuliyiin ka kala socday hay’ado kale duwan oo UN-ka ah, kuwaasi oo degmada shaqooyin kale duwan ka qabtey

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in degmada ay soo gaareen mas’uuliyiin ka socday Banka aduunka iyo madax ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee deeqaha soo maariya hay’adaha UN-ka iyo Banka aduunka,

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Iskushubanayaa ku sheegay socdaaalka wafdigaasi in ay tahay si ay kormeer ugu sameyn lahaayeen waxyaabihii laga qabtey degmada Iskushuban iyo degaano hoostaga.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa u waramay weriya Daacad

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *