Ra’iisul Wasaaraha oo shaqadii ka joojiyey wasiir loo heysto musuq-maasuq

Published: August 9, 2018

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Muktaar Mahad Daa’uud.

Wareegto aks oo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciey go’aanka shaqada looga joojiyey wasiirka, kaasi oo lagu soo eedeeyey dhawaan lunsasho hanti qaran, masuq-maasuq iyo wax isdaba marin

Hadaba wareegtada ayaa u qornayd sidan

Ra`iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,”

“Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa`uud, si Hay`adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *