Raisal Wasaaraha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenkii arimaha dibadda.

Published: August 9, 2018

Xasan Cali khayre raisal wasaaraha dawlada federaalka soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu shaqadii ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa`uud.

Wasiir Mukhtaar ayaa dhawaan xeer ilaalinta iyo hanta dhawrka guud ee qaranka ay kusoo oogeen arimo la xiriira ku tagri fal hanta hantida qaranka, xeer ilaalinta ayaa sheegtay in maxkamad awood leh loo gudbin doono kiiskiisa, Sabtidi lasoo dhaafay ayaa is qabqabsi ka dhacay gudaha wasaarada ka dib markii ciidamado ay soo gaareen goobta kuwaas oo doonayay in ay xiraan sida la sheegay wasiir ku xigeenka arimaha dibadda soomaaliya Mudane Mukhtaar Daauud.

Isla asbuucaan war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda soomaaliya ayaa lagu canbaaraayey talaabada ay ciidamadaasu qaadeen, sidoo kale hadaladii kasoo baxay xeer ilaaliyaha iyo hanta dhawrka qaranka ayaa lagu tilmaamey kuwa meel looga dhacaayo sumacada iyo sharaft

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *