Shaqaale caafimaad oo lagu afduubtay Gobolka Bay.

Published: August 9, 2018

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in laba qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaad lagu afduubay duleed magaalada baydhabo.
Warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in labadaas qof oo wiil iyo gabar ah ay u shaqaynayeen hay’adda bisha cas.
Sida ay sheegayaan dad deegaanka ku sugan oo aan la xiriirnay waxay intaa ku dareen in labadaas qof lala qafaashay darawalkoodii gaariga ku waday.
Afduubka ayaa ka dhacay deegaanka Misgaale oo 18 KM dhinaca koofureed ka xiga magaalada baydhabo degaankaas oo ay shaqo u joogeen.
Ilaa hadda lama oga sababta afduubka, cidda ka dambaysay, iyo halka lala aaday. horseed media isku dayday xiriir inay ka hesho deegaankaas baan weli ka helin war sugan oo ku aadan afduubka shaqaalahaas loo gaystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *