Taliyaha Asluubta ” Muqdisho Uma Baahna Ciidan Boolis ahayn “

Published: August 9, 2018

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in Guddiga amniga ay fariistaan, lana go`aamiyo dhammaan shaqooyinka amniga magaalada Muqdisho in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska Somaliya kuwaas oo ay shaqadoodii tahay Ciidamada kalena markii garab looga baahdo ay garab siiyaan.

Hadalkan ayaa Gen. Bashiir wuxuu ka sheegay Barnaamij loogu magac daray baro Booliis-kaaga, kaasi oo looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Booliska iyo shacabka Muqdisho amniga magaalada.

Wuxuu sheegay Taliyaha Asluubta in magaalada gudaheeda ay mamnuuc ka tahay ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqeynaya, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.

Sidoo kale Gen. Bashiir Goobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in shaqada magaalada lagu aamino ciidamada Booliska, islamarkaana ciidamada kale looga baahan yahay inay garab ku siiyaan shaqada.

“Guddiga amniga qaranka inta fariisto, lana go`aamiyo dhammaan shaqooyinka magaalada in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska ayuu qorshaha yahay,magaalada gudaheeda waxaa laga joojiyey in ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqo galaan, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska, shaqada magaalada waa in lagu aaminaa Booliska.” Ayuu yiri Taliye Bashiir Maxamed Jaamac.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ka shaqeeya ciidanka loogu magac daray Boolis Millataria, kuwaasi oo dhawaan la hawlgeliyay, kadib markii la xareeyay ciidankii xasilinta ee sugi jiray ammaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *