Barnaamijka Diirada HM oo lagu falanqeeyay go’aankii dowlada ee Sucuudiga-Dhageyso

Published: August 10, 2018

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo Wasaaradeeda arrimaha dibadda ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, isla markaana ay ka soo horjeedo fara gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha Boqortooyada Sucuudiga xili cirka uu isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Sucuudiga iyo Canada.

Arintan ayaa dhalisay hadal hayn badan oo ku aadan waxa xiligan dowlada ku kalifay in ay go’aan deg deg ah ka qaadato khilaafka labadan dowladood maadaama dowlado badan oo caalamka ah aysanba ka hadlin khilaafkan iskaba daa in ay go’aan ka qaataan.

Diirada Horseed oo ah barnaamij todobaadle ah oo lagu gorfeeyo arimaha siyaasada dalka ayaa todobaadkan lagu falanqeeyay go’aanka dowlada ee ay ka qaadatay mowqifka khilaafka ka dhex taagan dowladaha Canada iyo Sucuudiga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan gudiga arimaha dibada ee golaha shacabka barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Proff.Cabdiraxmaan Cabdulaahi Daqarre oo isna kamid ah aqoon yahanada aadka uga faalooda arimaha siyaasada dalka ayaa dhamaantood todobaadkan barnaamijkan uga hadlay mowqfika dowlada ee khilaafka dowladaha Sucuudiga iyo Canada.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhamaystiran oo uu soo jeedinayo Cumar Lakiman

Horseed Media 2018