Ciidan Boliska Jubland ayaa Gacanta Ku dhigay Maandooriye (SAWIRRO)

Published: August 10, 2018

Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa saxaafada usoo bandhigay Laba nin oo ay sheegeen inay ka ganacsanayeen maandooriyaha xashiishada loo yaqaano kuwaas oo markii la qabtay falkaas gacanta kula jiray.

Raggan ayaa soo qabashadooda waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Booliska ay hawlgal gaar ah ka sameeyeen agagaarka Xeebta magaalada Kismaayo, taasi oo suuragelisay in gacanta lagu soo dhigo.

Sawirro laga soo qaaday raggan ayaa ayaa cadaynaya daroogadii lagu soo qabtay oo hortooda taala markii Ciidanka Boliisku gacanta ku dhigeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay raggan in hada ay ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka, sidoo kalena dhawaan la qorsheynayo in la horgeeyo sharciga.

“Waa wax loogu tala galay dhaqanka in lagu dooriyo, waa wax loogu tala galay ummada in lagu halaago, raggan sharciga ayaa la horgeyn doonaa, waxaan halkan digniin uga dirayaa inay ka digtoonaadaan dadka waxyaabahan oo kale ka ganacsada”. Ayuu yiri Jaamac Axmed.

Booliska Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgalada nuucaan oo kale ah, horey sidan oo kale ayaa howlgalo ay ciidamada qaadeen loogu soo qabtay rag fal danbiyeedkaan oo kale gacanta kula jira bulshada ku dhex wada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *