Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland , Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa Maanta kormeer ku tagey Buundada Baar-Sanguuni oo uu dayactir ku samaynayo maamulka Jubbaland.
Buundadan oo bur-bur xooggan uu kasoo gaaray fatahaaddii Webi Juba kaas oo Burbur xoogan u gaystay , Buundan ayaa Bulshada Gobolka Jubbada hoose u ah muhiim waxaana khasab ahaatay in la dayactiro maadaama ay tahay marin halbowle u ah isu socodka degaanadaas.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaalaha jidadku oo aan sina looga maarmin Buundad Baar-Sanuguunina ay muhiimad weyn u leedahay guud ahaan deegaanad Jubaland.
Horseed Media