Ruushka oo ka digey inuu sii xumaado xiririka kala dhaxeya Mareykanka.

Published: August 10, 2018

 

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

Dmitry Peskov, afhayeenka Aqalka Kremiling ee Ruushka looga arrimiyo oo warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in go’aanka noocan oo kale ah oo ay Mareykan-ku qaadaan uu yahay mid saaxiibtininmada labada dal xumeynaya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cuna-qabeyntan cusub ku dhawaaqdey Arbacadi, iyada oo ku micneysay in ay jawaab u tahay weerarkii sumeynta ahaa ee lagula kacay Sergey Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah, kuwaas oo lagu sumeeyay dalka Britain bishii March ee sanadkan.

Xigasho

VOA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *