Garowe(HM):- Wasiirkii hore ee waxbarashadda Dowladda Puntland ahaana wasiirkii arrimaha gudaha& Faderalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo garowe kula hadlay boqolaal qof oo uu ujeedinayo khudbad ku adan ku dhawaqista in uu u taganyahay xilka madaxtinimada Puntland sanadka 2019ka doorashadda laga filayo Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamidtahay fikrada ah in musharixiintu diyaarsadaan dhaqaale badan oo ay ku bixiyaan codadka ay ku doonayaan in ay ku guulaystaan ee xildhibanada .
Juxaa waxaa uu arintaas ku micneeyey dayacad iyo meel ka dhac aan jirin isla markaana ay doorashadu tahay mid u taal ummada Puntland gaar ahaan mudanayaasha ay u wakiisheen golaha sharci dajinta/Barlamaanka..”Dadka Reer Puntland & Mustaqbalkoodu ma’ahan Baradho Dukaan taal”.
Khudbadda oo dhamaystiran halkaan ka dhagayso.
Horseed Media.net