Shiinaha oo lagu eedeyay in ay dhibaato ku heyso Muslimiinta u dhashay dalkaas

Published: August 11, 2018

 

Dadka badan halmilyan oo ruux oo ah muslimiinta Uighur ee dalka shiinaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan xarumaha argagixisa la darirka ee shiinaha sida uu shaaciyay gudoomiye ku xigeenka gudiga ka hortaga midab takoorka qaramada midoobay.

Gay McDougall oo arintaan ka hadlay kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Geneva ee xarunta Swiss -ka ayaa waxaa uu sheegay in sanadihii la soo dhaafay uu dalka shiinaha ku sii kordhayay dhibaatada faquuqa ah ee lagu hayo muslimiinta dalkaasi ku dhaqan.

Gudiga ka hortaga cunsuriyada ee qaranada midoobay ayaa waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin dhibka heysta qowmiyada Uighurs iyo guud ahaan muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay ee ku nool Dalka shiinaha.

McDougall ayaa wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in dadka muslimiinta ah diintooda lagu takooro xilli uu ka hadlay kulan ka maanta ay qaramada midoobay gudiga u qaabilsan ka hortaga Faquuq iyo takoorka oo ka furmay magaalada Geneva.

 

Dowlada shiinaha ayaa dhankeeda ka hadlin dhaleeceynta loo jeediyay ee ku aadan tacadiga muslimiinta u dhashay dalkaasi haysta wax jawaab ku aadan arintaasna ma aanay bixin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *