Ciidanka xoogga Dalka iyo AMISOM oo kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Published: August 12, 2018

 

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dar-dar geliyay howl-galladii ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ay Todobaadkan ka wadeen degaanno ka tirsan Shabeellada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka midowga Afrika ayaa Maanta oo Axad ah Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegtay in howl-gallada ay soo billoowdeen Khamiistii inna dhaaftay, haatanna ay marayaan meel wanaagsan waxaana lagu wadaa inay sii wadaan howgaladaas.

Col; Xuseen Xoosh, oo ah taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka DFS ayaa sheegay in howl-gallada Milatari ee wadajirka ah ay ujeedda ka danbaysaa ay tahay in lagu baabi`iyo fariisimaha ay ku leeyihiin Alshabaab degaannada muhiimka ah ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed hadalkaas waxa sheegay Col Xuseen.

“Hawl-galku waxa uu fariin xooggan u yahay Xarakada Al shabaab, si ay isu soo dhiibaan oo ay ugu baxaan falalka gurracan ee ka dhanka ah Shacabka iyo Dowladda sharciga ku dhisan ee Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Xoosh.

Ciidamada wada jira ayaa Maalmahan Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, iyagoo ka saaray degaanno badan oo hoos taga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada hoose, waxanay sidoo kale ku dileen hogaamiyayaal ka tirsanaa Xarada Alshabaab waa siduu hadalka u dhigye Taliye Xoosh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *