Jabhadda ONLF oo ku dhawaaqday Xabad Joojin.

Published: August 12, 2018

 

Jabhadda ONLF oo mudo dheer dagaal kula jirtay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethopia iyo Dawlada Federaalka ah ee Ethopia ayaa magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xaba joojin, Qoraal ay soo saareen jabhaddu ayay sheegeen in wixii ka danbeeya 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto aya si rasmiya u dhaqan galayso xabadaasu, Xabad joojintaan ayay sheegeen in ay ku timi “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey afhayeenka jabhadda ONLF Caddaani.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *