Mahdi Guuleed”Waa in wax badan laga bedelaa habka dhoofinta Xoolaha Dalka si dhaqaalaha loo horumariyo+sawirro

Published: August 12, 2018

RW kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Raiisul wasaare kuxigeenka XFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay,isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guulaysto howlaha sugaya wax ka qabadkooda ee uu u xilsaaran yahay.

“Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday,hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.

Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda.

“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *