Xukuumada Iran oo ku taagertay turkiga in uu maxkamadeeyo baadariga Mareykanka

Published: August 12, 2018

Xukuumada Iran ayaa sheegtay in ay taageero la garab taagan tahay dowlada Turkiga,xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeya mareykanka iyo turkiga kaas oo ah daandaansi uu wado Dowladaasi.

Wareysi uu maalintii shalay siiyay warbaahinta dowlada ee IRIB afhayeenka wasaarada Arimaha dibeda iran Bahram Qassemi ayaa waxaa uu dhaleeceyay mowqifka mareykanka kaas ku aadan cunaqabateynta mareykanka ee ka dhan ah Turkiga aysan wax tari doonin.

Mr Bahram ayaa dhankale tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in dowlada iyo shacabka Turkiga ay maareyn doonan cadaadis walba oo kaga yimaada xuduudaha iyo dibada oo ku aadan xaaladan.

Isaga oo sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan balse aysan awoodin muquunintaas .

Xiriirka u dhaxeeya maamulka Ankara iyo Washington ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay Tan iyo markii dowlada turkiga ay xabsiga dhigtay baadariga u dhashay mareykanka ee lagu magacaabo Andrew Brunson,kaasi oo lagu eedeyay in uu galaan gal dheeri ah ku lahaa Afganbigii fashilmay ee sanadii 2016 ka dhacay Turkiga.

Mareykanka ayaa maalin ka hor waxaa uu canshuur siyaado ah saaray biraha kaga yimaada Turkiga,waxaana madaxweyne Trump uu sheegay in waqtigan uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Madaxweyne Erdogan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay in hoos u xiriirka wada shaqeyn ee u uu dalkiisa la leeyahay mareykanka isla markaana u arko inuu dalka cunaqabataynta Maraykanku sheegay aanay waxba kasoo qaadayn.

 

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *